Sheeko: Waxaan Aqaan Amaanta Boqorada
Xogside – Markii uu Nasrudiin magaalada yimi wuxu xidhnaa cumaamad qaali ah oo ay xidhaan Madaxda sare, laakiin haddana wuxu bilaabay inuu dawarsado.
Booliiska ayaa qabtay iyagoo ka yaabiyay ninka xidhan Cumaaddaa qaaliga ah ee haddana dawarsanaya. Markii suldaanka loo geeyay, ayuu la yaabay, wuxu weydiiyay waa imisa qiimaha cumaamadan aad xidhan tahay?
waa 500 lacagta Qadaadiicada dahabka ah ayuu yidhi suufigii xikmada badani. Kaaliyaha suldaanka ayaa hadalkii boobay oo yidhi “ Ma dhici karto Cumaamad qiimahaasi”
Nasrudiin ayaa haddana yidhi “ Anigu halkan umaan iman inaan dawarsado waxaan u imi inaan ganacsado , cummaadaan anigaa ayaa qiimahasi soo siitay waayo waxan ogaa dunida oo dhan inuu jiro suldaan keliya oo naxariis badan oo iga siisanaya 600 lacagta qadaadiicad dahabka, waxaan aan doonaya inaan 100 dheeraysiiyo aan masaakiinta siiyo.
Suldaanka ayaa markii uu amaanay siiyay 600 , markii uu ka baxay ayay debeda ku kulmeen kaaliyihii oo aad ula yaaban waxaana uu kuu yidhi Nasrudiin “ Kaaliye, Adigu waxa laga yaabaa inaad ogtahay qiimaha cumaamadan, laakiin anigu waxaan ogahay sida xeesha dheer ee amaan boqor ama suldaan loogaga qaado lacag badan “ Weliga ha jeclaan in lagu amaano waayo waxay sheegayaan badankooda run Maaha waana mid danaysi ah.
Sheeko: Waxaan Aqaan Amaanta Boqorada