Shilal Gaadhi oo Keenay Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Maanta Ka Dhacay Wadada Isku Xidha Gabiley Iyo Boorama

0

taliyaha laanta Nabadgalyada Wadooyinka ee gobolka Gebilay laba xiddigle Deeq Xaashi Guuleed ayaa sheegay shilka hore uu dhacay xalay, kaas oo sababay dhimashada hal,qof, kalka dhaawucna ahaa afar qof.

Geesta taliyaha laanta Nabadgalyada Wadooyinka ee gobolka Gebilay laba xiddigle Deeq Xaashi Guuleed wuxuu sheegay in saaka shil kale uu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada Gabiley, kaas oo ay isku dheceen laba gaadhi oo mid ka mid ahi ahaa nocoo loo yaqaan Noohada, oo raab siday kana yimi magaalada Aarabsiyo iyo gaadhiga kale oo noocusu ahaa laankuurasal, kana yimi magaalada Boorama.

Shilkankan ayaa gaystay dhimashada hal qof, halka lix kale ay dhaawac noqdeen, kuwaas oo lagu dawaynaayo cisbitaalka guud ee magaa;da Gabiley, waxaana uu taliyuhu intaas ku daray in Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinku ay baadhayaan sababta keentay shilkaasi.

Ugu dambayn taliye Deeq Xaashi wuxuu ayaa digniin iyo waano u diray dirawallada gaadiidka oo uu ku booriyay inay dhimaan xawaarahooda socodka maadaama ay Shilalka gaadiidka Sabab u tahay Socodka Xad dhaafka ah ee Baabuurtu ku socoto.

fariin noogu reeb