Daraaasadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya aqoonta sii kordhaysa Aadamiga ayaa cadaysay in hurdada aad u badani aanay qofka u lahayn haba yaraatee wax faa’iido ah.
Saynisyahano iyo cilmibaadhayasha ayaa intaasi raaciyay in maskaxada aanay faa’iido u lahayn hurdo dheer, taasi oo dadka qaarkod u haystaan inay nasasho u tahay.
Warbixintu waxay intaasi raacisay inay riyooyinkani ku kala badan yihiin raga iyo dumarka iyagoo ku sii badan yihiin dumarka wakhtiga badan seexda.
Daraasaddu ayaa lagu sheegay in riyadu ay door weyn ku leedahay dareenka iyo dhaqanka qofka. Waxayna ku talisay daraasaddu in aan qofku habeenkii seexan saacado badan oo xad dhaaf ah.