Sidee guul lagu gaadhaa? | best 1

0
Sidee guul lagu gaadhaa ?

Xogside – Aqoon yahan lagu magacaabo Dr. Richard ayaa yidhi “ Maalin aniga oo dayuurad la socda, waxa dhinacayga fadhiday gabadh yar oo dhigata dugsiga sare, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxay aad u jeclayd inay dhibka nolosha qoyskooda wax ka bedesho, waxay iweydiisay sidee guul lagu gaadhaa?
Markaas ayaan dareemay xanuun badan, waayo awood umaan lahayn inaan siiyo jawaab sax ah oo dhamaystiran oo faahfaahsan.Sidee guul lagu gaadhaa?

Waxaan go’aansaday markaan dayuuradda ka dego inaan raadiyo dad gaadhay guul iyo horumar oo aan su’aashaasi weydiiyo!  Muddo 7 sano ka dib oo aan 500 oo waraysi ka qaaday dad guul gaadhay  waxa ii soo baxay in guul lagu gaadho, adigoo la yimaadda niyad sare si aad higsigaaga u gaadho.Sidee guul lagu gaadhaa?

Dadka raba inay guulaystaan uma shaqaystaan inay helaan lacag keliya waxay u sheqeeyaan iyagoo ku raaxaysta oo macaansada shaqada. Dadka u adeeg  oo u qabo wax qiimo leh , taasi waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gadho, Keligii noole ama dantii raadiye meel dheer  ma gaadho.Sidee guul lagu gaadhaa?

Qofka ka fekera naftiiisa oo keliya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay.  Qofka meesha fog higsanayaa ma xasuusto daalka.

Taasi ayaa sabab u noqotay  inay higsigooda gaadhaan.  Guusha waxa loo maraa dhib iyo dadaal mana jirto inay si dhib yar ku timaaddo. Guusha marka islaamka aynu nahay waa raaliglinta Allah (sw)
waan taasi tii ay meel sare ku gaadheen saxaabadii iyo dadkii hore ee wanaagsana. Kuwaasi oo aduunyada u arkayay mid ka liidata Aakhiro. Islaamkuna wuxu ku tiriyay iimaanka marka aad dariiqa ka qaado wax dhibaya dadka.

Sidee guul lagu gaadhaa?

fariin noogu reeb