Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa? | BEST 1

0
Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

Xogside – Guushu waa himilo iyo hiigsi aad ledahay oo aad gaadho ama fulinta qorshe aad hore u dajisatay. Mar la waydiiyay Isaac alex phiri waxaay tahay guushu ayuu ku jawaabay anigu ma sheegi karo macnaha dhabta ah ee guusha laakiin waxaan ku soo koobi lahaa hab fudud oo ah:Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa / Top Tips for Success in Life

1)    Inaad gaarto barta riyadaada kuu tilmaamayso

2)    Markaad hesho waxaa aad u baahantahay

3)    Markaad ka talaabsato duruufaha iyo caqabadaha nolosha

Guul qof walba oo raba waxaa ku haboon in uu ku dhaqmo erayada guul waxa ay xarfihiisu u taagan yihiin oo ah

G: go’aan in aad leedahay

U: u fakartid si qoto dheer

U: u dulqaad badantahay

L: leedahay hadaf iyo qorshe

sidee guul lagu gaadhaa?

Marka doonaysoo in aad gaadho guul waxaad u bahannatahay in aad raacdo wadooyin, wadooyinkaasi waa sida salanka, kama boodikartid mid qudha si aad mida xigto u gaadhid, mid kasta waxa ay muhiim u tahay ta ka danbeysa, hadaad mid samaysid waxaa kuu fududaanaysa in aad samaysid oo ku dhaqantid ta ka danbeysa. Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

Aqoon yahan lagu magacaabo Dr. Richard ayaa yidhi “ Maalin aniga oo dayuurad fuushan, waxa dhinacayga fadhiday gabadh yar oo dhigta dugisiga sare, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxay aad u jeclayd inay dhibka nolosha qoyskooda wax ka bedesho, waxay iweydiisay sidee guul lagu gaadhaa?Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa / Top Tips for Success in Life

Markaas ayaan dareemay xanuun badan, waayo awood umaan lahayn inaan siiyo jawaab sax ah oo dhamaystiran oo faahfaahsan. Waxaan go’aansaday markaan dayuuradda ka dego inaan raadiyo dad gaadhay guul iyo horumar oo aan su’aashaasi weydiiyo!  Muddo 7 sano ka dib oo aan 500 oo waraysi ka qaaday dad guul gaadhay  waxa ii soo baxay in guul lagu gaadho:

Guushu waa himilo iyo hiigsi aad ledahay

Adigoo la yimaadda niyad sare si aad higsigaaga u gaadho. Dadka raba inay guulaystan uma shaqaystaan inay helaan lacag keliya waxay u sheqeeyaan iyagoo ku raaxaysta oo macaansada shaqada. Dadka u adeeg  oo u qabo wax qiimo leh , taasi waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gadho,Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

Keligii noole ama dantii raadiye meel dheer  ma gaadho. Qofka ka fekera naftiiisa oo keliya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay.  Qofka meesha fog higsanayaa ma xasuusto daalka. Taasi ayaa sabab u noqotay  inay higsigooda gaadhaan.  Guusha waxa loo maraa dhib iyo dadaal mana jirto inay si dhib yar ku timaaddo. Guusha marka islaamka aynu nahay waa raaliglinta Allah (sw) waan taasi tii ay meel sare ku gaadheen saxaabadii iyo salafkii wanaagsana. Kuwaasi oo aduunyada u arkayay mid ka liidata Aakhiro. Islaamkuna wuxu ku tiriyay iimaanka marka aad dariiqa ka qaado wax dhibaya dadka. How to be successful in lifeSidee Nolosha Loogu Guulaystaa / Top Tips for Success in Life

Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

fariin noogu reeb