Somaliland : 744 ka mida ciidanka asluubta oo darajo dalacsiin ah loo sameeyay

0

Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta JSL Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) ayaa ka qayb galay Xafladda Darajada Loogu Xidhayay Ciidanka Asluubta 744, ka mida ciidanka asluubta oo darajo dalacsiin loo sameeyay.

Munaasibada dalacsiinta ciidankaas oo lagu qabtay taliska ciidanka asluubta Somaliland ayaa waxa dejooyinka xubnahaas la dalacsiiyay ay isugu jireen darajada  dable illaa gaashaanle dhex.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta JSL Aadan Axmed mooge (Kannadi) ayaa faahfaahin ka bixiyay Gudidda uu Taliyaha Guud ee ciidanka Asluubtu u saaray dalacsiinta ciidankaas ayaa sheegay in arrintaas loo maray hannaan cadaaladeed.

Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha JSL Sareeyo Guuto Maxamed Faarah Xuseen (Xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay ciidanka asluubta isaga oo u hambalyeeyay Dhaaman Xubnaha dalacay, Talilaya ayaa sidoo kale Faray Ciidanka Inay isku duub-naadaan meel kasta oo ay joogaan.

Ugu dambayn taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta JSL Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa Hambalyo Udiray dhamaan Xubnahaas Dalacay isaga oo kula dardaarmay inay noqdaan kuwo Dadkooda Daacad ugu Adeega, waxaanuu saraakiishaas faray in ay qarankooda daacad ugu shaqeeyaan, iyadoo uu taliyuhu darajooyinkii ku taxay saraakiishaas ciidanka asluubta ka tirsan ee dalacay.

fariin noogu reeb