SONYO Oo Soo Agaasintay Kulan Lagu Horumarinayo Dhallinyarada

0

Hargeysa (XOGSIDE) – Kulan lagaga hadlaayay sidii loo horumarin lahaa dhallinayrada oo ay soo agaasintay daladda Dhalinyarada ee SONYO ayaa lagu qabtay magalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Waxaana ka wada shaqaynayaa hayadaha Qaramada Midoobay iyo sidoo kale daladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.SONYO Oo Soo Agaasintay Kulan Lagu Horumarinayo Dhallinyarada

Agaasimaha guud ee daladda SONYO Cabdixamiid Maxamed Cumar ayaa sheegay in kulankani lagaga hadlaayo qorshaha horumarinta dhallinyarada ee 2022-ka ilaa 2026-ka oo ay ka wada shaqaynayaan hay’adaha qaramada midoobay iyo dalladdu, waxaana uu sheegay inay rajaynayaan inay kasoo baxaan wax anfaca dhalinayrada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiyaha Dalladda SONYO Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa iyaguna sheegay in kulankani uu muhiim u yahay dhalinayarada Somaliland, isla markaana lagu lafogurayo xalalka iyo dhibaatooyinka haysta dhalinyaradeenna, iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaana ay intaas ku dareen in duruufo badani ay haystaan da yarta dalka, isla markaana ay tahay in loo raadiyo istaraajiyado wax lagag qabto.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ugu baaqay daladda dhalinayrada ee SONYO iyo hay’adaha Qaramada Midoobay inay soo saaraan siyaasado wax ka taraya mustaqbalka dhalinyarada ee dalka, isagoo tilmaamay in wasaarad ahaan ay hirgelin doonaan wixii kasoo baxa kulankaasi.

SONYO Oo Soo Agaasintay Kulan Lagu Horumarinayo Dhallinyarada

fariin noogu reeb