Ha Istaagin Waa Mamnuuc!
Boodhkii ugu horeeyay ee dunida laga taago ee lagu qoray “ Ha Istaagin” waxa la sheegay inuu 700 sano ka hor taariikhda Milaadiga.
Sida uu qoray qoraaga Maraykanka ah ee Liun Perach boodhkaasi waxa laga taagay magaalada Ninuin oo ahayd caasimadii boqortooyadii dawladii Ashuuriyada oo xukumi jirtay dhulka agagaarka webiga Dajla ee Ciraaq.
Qarnigii 18 aad sida uu sheegay badmareenka Maraykanka ah ee Josef ENgaraham boodhkaasi wuxu ku yaallay dariiqa boqorka loo maro, waxaana lagu qoray “ Istaagu waa mamnuuc”. Qofkii iyo xaywaanka sida Faradaha iwm , ee istaagi waayana waxa lagu xukumi jiray ciqaab dil ah iyadoo nafta laga goyan bool qoorta lagaga xidho oo lagu giijin jiray.