George Blake waxa uu ahaa basaas laba dawladood u wada sheqeeya, waxa uu ka tirsnaaa sirdoonka Ingiriiska ee Jarmalka ka shaqaynayay dagaalkii labaad iyadoo laga shaqaaleeyay sirdoonka Ingiriiska sanadkii 1944.
Laakiin dhinaca kale waxa uu ahaa nin aad u aaminsan nidaamka Shuuciga ah sidaas darteedna waxa uu iyagana ka tirsanaa sirdoonka Ruushka. Â Wakhti danbe ayay Ingiriisku ogaadeen oo maxkamad la saaray, markii denbigu ku cadaadayna waxa lagu riday xukun dhan 42 sano.
Waxaana yaab noqotay in xabsigii uu ku jiray uu ka baxsaday ka dib markii uu jebiyay daaqada qolka uu ku jiray, isagoo u gudbay dalka Ruushka oo sida la sheegay ilaa hadda halkaasi ku nool yahay.
Richad Sodech wuxu ahaa magaca caan ka noqday dunida basaasiinta laakiin aan wejigiisa qofna aanu  aqoon. Waxa uu kaga shaqayn jiray magacan dalka Japan isagoo ahaa suxufi Jarmal ah.
Ninkani waxa uu ahaa mid furfuran waxaana ay taasi keentay inuu xidhiidh wanaagsan la samaysto masuuliyiintii Japan kuwaasi oo ay soo jiidatay maqaaladihii uu ku qori jiray wargeysyada, iyagoon dareemayn inuu yahay basaas Shuuci ah oo Ruushka u shaqaynaya.