Taliyaha Booliska iyo Agaasimaha Shaqo Qaran oo ka Hadlay Sarkaal lagu Dilay Gar-adag

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi isagoo ku hadlaaya afkiisa iyo ka Ciidan Weynaha Booliska JSL wuxuu Tacsi u dirayaa Laba Xidigle Cabaas Maxamed Diiriye Oo ahaa Taliyaha Saldhiga Degmada Gar-adag oo gacan ka xaq darani Ku dishay Deegaanka God heeli Degmada Gar’adag ee Gobalka Sanaag.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakishii Dhawaan u soo baxday Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo ciidanka ka soo galay Barnaamijkii shaqo qaran.

Taliyaha ayaa marxuumka ku sifeeyay Inuu ahaa sarkaal daacada oo shaqada qaranka kaalin weyn kaga jiray.

Geesta kalena, Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa dhambaal tacsi ah u diray sarkaalkaas la dilay, waxaanu sidaas ku sheegay dhambaal tacsi ah oo soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Waxan tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii, ciidamada qalabka sida iyo Barbaarta Shaqo Qaran ee uu ka baxay Eebe haw naxariistee Laba-Xidigle Cabaas Maxamed Diiriye oo ahaa Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Garadag kana mid ahaa Dufcaddii 1aad ee Shaqo Qaran oo isagoo hawlgal shaqo ku jira lagu dilay degaankaas.

Waxaan Hay’addaha amniga ee Somaliland si adag uga codsanayaa in cidii falkaas waxshiga ah geysatay sharciga la horgeeyo.”

fariin noogu reeb