allaalka xanuunka Covid-19 ayaa si habsami ah uga socda gobolka Hawd, kaasoo lagu bixinayo xarumaha caafimaadka ee deegaannada gobolkaasi.
Isu duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Hawd Axmed Cali Direyse ayaa sheegay in tallaalku uu si habsami ah ugu socdo guud ahaan gobolka, iyadoo la raacayo siyaasadda Wasaaradda  Horumarinta Caafimaadka oo yoolkeedu yay, in geedkasta iyo guri kasta la gaadhsiiyo tallaalka Coronavirus.
Isu duwuhu waxa uu sheegay in bulshada gobolka la tallaalay boqokiiba toddobaatan soddanka hadhayna todabaadkan ay dhamaystiri doonaan, waxaanu intaas raaciyay in nooca talaalku uu yahay laba nooc oo loo baahanyahay in qof kastaa kaga taxadiro fiditaanka xanuunkaas.
Isu duwuhu waxa uu dhanka kale tilmaamay faa’iidada uu talaalku u leeyahay bulshada, isagoo xusay in ilaalinta bulshadu ay tahay waajib saaran wasaaradda caafimaadka, sidaas awgeedna ay ugu digayaan bulshada in ka gaashaantaan halista xanuunka safmarka ah ee Covid-19.
Tallaalka Xanuunka Covid-19 Oo Ka Socda Gobolka Hawd