Tartan Quraanka Kariimka Ah OO Lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Berbera
Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland ayaa magaalada Berbera ku soo gabagabeeyay tartan quraanka kariimka oo ay bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku tartamayeen arday dhigata qaar ka mida madarasadaha degmadaas.
waxa halkaas hadal ka jeediyay isuduwaha wasaaradda diinta iyo aw qaafta ee gobolka Saaxil Sheekh Axmed Faraare oo sheegay tartankaas ay ka qayb qaateen todobaatan arday, kuwaas oo dhigta lix madarasadood oo ku yaala magaalada Berbera, waxaana ay ardaydaasi ku tartameen tobanka jis, labaatanka jis iyo soddonka jis.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa sheegay in maamul ahaan ay dhiiri-gelinayaan barashada qur’aanka kariimka ah.
Ugu dambayn wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa waxa uu abaal marino kala duwan gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankaas.