Tartanka Quraanka Kariim Ah Oo Loo Qabtay Arday Ka Kala Socota Gobolada Somaliland
Tartanka quraanka kariimka ee gobolada Somaliland ayaa si rasmi ah uga furmay a masjid Cali Mataan ee badhtamaha Magaalada Hargeysa , tartanka oo bisha ramadaan la qabto.
Ugu horeyn wax aka hadlay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Ismaaciil Dheeg) waxaanu u mahadnaqay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland, Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Radio Hargeysa iyo warbaahin kale oo ka qayb qaadanaya gudbinta tartankaasi.
Tartankan waxaa ka qayb galay 18, arday oo ka kala socda 6, gobol ee dalka iyadoo gobol walba ay ka socdaan sadex arday, tartankani marka uu dhamaado waxa abaalmarino guddoonsiin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalilamd Muuse Biixi Cabdi.