Tawian Oo Naafada Somaliland ku Nool Ugu Deeqay 170 Gaadhi Curyaan
Xogside :- Baaskiiladahaasi loogu tala galay dadka curyaamiinta ah ayaa waxaa Somaliland ugu deeqay dalka Taiwan kuwaas oo tiradoodu ahayd 40 gaadhi curyaan loona qaybiyay qaar kamid ah dadka naafada ah ee ku nool Hargeysa.
Cabdirashiid Ibraahi Sh. Cabdiraxmaan Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqagalinta iyo arrimaha bulshada ayaa umahad naqay dawladda Taiwan oo ku deeqday baaskiiladahaasi loogu tala galay dadka naafada ah, waxaanu sheegay in guud ah at tirada gaadhi curyaanku 170 iyadoo 40-kii u horeeyay lagu qaybiyay Hargeysa qaybaha kalena la gaadhsiin doono gobolada dalka.
Masuuliyiinta wasaaradda shaqagalinta iyo arrimaha bulshada ayaa soo dhaweeyay cidkasta oo ka qayb qaadata taakuleynta iyo garab istaagga dadka naafada ah ee ku dhaqan Somaliland.
Ugu dambayn qaar ka mida dadkii nafaada ahaa ee loo qaybiyay baaskiiladaha ayaa u mahad celiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo  ciddii soo gaadhsiisay gaadhi curyaan.