Tusaalaha Macalinka Iyo Dhaqanka Wanaagsan | best 1

0

Tusaalaha Macalinka Iyo Dhaqanka Wanaagsan

xogside – Maalin  ay cadceedu si fiican u diirisay dhulka, quruxdiisuna muuqato, ayay gabadh macalimad ahi ardaydeeda siisay casharadii caadiga ah. Waxaana maskaxdeeda ku soo dhacay inay caruurta debedda u saarto oo ku siiso waano barxadda debedda si ay ugu raaxasytaan Cadceeda quruxda badan.

Markii ay ardaydu dhegaysanaysay waanadeeda ayay u tilmaantay geed aad u yar oo beerta ku yaallay , ka dibna mid ardayda ka mid ah ayay tidhi soo goo. Waana usoo rujiyay geedkii yara ee la beeray isagoon aan wax dhibaato ah kala kulmin.Tusaalaha Macalinka Iyo Dhaqanka Wanaagsan

 

Mar labaadkiina arday kale ayay Geed weyn oo ku yaallay beerta oo la hadhsado ku tidhi orod

Ardaygii ayaa ugu jawaabay taasi ma dhici karayso waayo waa geed muddo hore la beeray oo gaboobay xogna ah oo weliba la hadhasado oo anfac leh.Tusaalaha Macalinka Iyo Dhaqanka Wanaagsan

Macalimad ayaa dhool cadaysay waxayna ku tidhi caruurtii “ Dhirtu waa sida caadadeena xun oo kale, haddii dhaqankeenu xun yahay oo wakhtigu dheeraado, ma goyn karaysaan sida geedka.  Sidaa awgeed akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan ku barbaara intan aad yar tihiin. Marka aad weynataan caadada iyo dhaqanka xun iskama goyn karaysaan.

Tusaalaha Macalinka Iyo Dhaqanka Wanaagsan

Tusaalaha Macalinka Iyo Dhaqanka Wanaagsan

fariin noogu reeb