Tuulo Aanay Joogin Tuugi, Guryuhuna Albaabo Lahayn! | best 1

0

Xogside – Tuulo ku taalla dalka Hindiya oo lagu magacaabo Shani shingnapur ayaa gebi ahaanba guryaha, dugsiyada iyo xataa Baankeedu aanu lahayn albaabo la xidho, iyadoo la sheegay inay taasi ka soo jeedo caadooyin iyo dhaqamo ay aaminsan yihiin dadka tuulada degani.

Lacagta iyo dahabka waxa lagu kaydiyaa qasanado  iyadoo  guryahana loo sameeyo daahyo khafiif ah halka laga galayo taasi oo ah mid ay dumarku xushaan.Tuulo Aanay Joogin Tuugi, Guryuhuna Albaabo Lahayn!

Tuuladan guriga keliya oo loo sameeyo albaab ma jiro kaasi oo ay xidhan lahaayeen habeenkii, marka ay seexanayaan si ay isaga ilaaliyaan xayawaanada halista ah iyo Eyda. Dadka booqda tuuladan  ayaan iyagu seexan haba yaraatee markay waayaan albaab ay iska xidhaan.Tuulo Aanay Joogin Tuugi, Guryuhuna Albaabo Lahayn!

Tuuladan ayaa la sheegay in aan haba yaraatee aanu joogin wax tuug ah oo alaabada xada. Arintan ayaa xidhiidh la leh caado oo ay aaminsan yihiin dadka degan tuuladan.Tuulo Aanay Joogin Tuugi, Guryuhuna Albaabo Lahayn!

Dakhliga tuulada ayaa ka soo baxa dalxiiska ay ku yimaadan dad badan oo xiiseeya muuqaalka magaalada aan albaabada lahayn iyo amaankeed.Tuulo Aanay Joogin Tuugi, Guryuhuna Albaabo Lahayn!

Tuulo Aanay Joogin Tuugi, Guryuhuna Albaabo Lahayn!

fariin noogu reeb