Urur Samofal Oo Dadka Dhimirka Ka Xanuunsanaya Ee Magaalada Burco Deeq Raashin Ah U Qaybiyey.
Ururka Faarax Oomaar oo ka shaqeeya arrimaha samafalka kana dhisan magaalada Burco ayaa deeq raashin ah u qaybiyay qaar ka mid ah dadka dhimirka ka xanuusanaya ee ku nool degmadaasi.
Raashinkan oo ay soo bixiyeen Liibaan Cabdi Cali iyo Suhayb Khilji oo ku sugan dalka Norway ayaa waxa halkaasi ka hadlay Sheekh Khaliil Cali Dhamac, Xasan Maxamud Xayd oo deeqdan loo soo wakiishay iyo xubno ka mid ah Ururka Faarax Oomar Foundation, ayaa sheegay in wakhtigan ay baahiweyn u qabeen dadka dhimirka ka xanuusanaaya ee magaaladda Burco.
Jaamac Aadan (Jaamac Karaaciin) iyo isuduwaha wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha gobolka Togdheer Cabdi Kariin Muraad, oo halkaasi ka hadlay ayaa dadka soo bixiyay deeqdan waxa ay uga mahadnaqeen sida ay u soo caawiyeen dadka jilicsan ee dhimirka wax ka qaba oo u baahan daryeel dheeraada.
Xubnahan ayaa sidoo kale waxa ay bulshada ugu baaqeen in ay ka soo qayb qaataan sidii loo caawin lahaa dadka dhimirka wax ka qaba ee magaalada Burco.