Burco (XOGSIDE) – Ururka Qareenadda ee Somaliland ayaa tabobar u furay qareenada ka hawlgala goboladda Togdheer iyo Daad-madheedh.
Tabobarkan oo ku saabsana wadashaqaynta bahda garsoorka ayaa ah mid kor loogu qaadaayo aqoonta qareenadda iyo habka wadashaqaynta bahada garsoorka goboladda Daad-madheedh iyo Togdheer.
Isuduwaha wasaaradda Cadaaladda gobolka Togdheer, taliyaha hawlgelinta ciidamadda Booliska gobolka iyo guddoomiyaha ururka qareenadda ee gobolkaasi ayaa ka waramay muhiimadda uu tabobarkani u leeyahay bahada qareenadda.
Guddoomiye ku xigeenka ururka qareenada ee Somaliland Mukhtaar Daahir Jibriil iyo Guddoomiyaha Maxakamadda Racfaanka ee gobolka Togdheer Barkhad Isxaaq Barre, ayaa sheegay in tabobarkani ka dhashay qiimayn lagu sameeyay qareenadda ka hawlgala goboladaasi muddo bil ka hor ah waxaanay bogaadiyeen hawsha baaxadda leh ee bulshada iyo qarankaba u hayaan qareenadu.
Ururka Qareenadda Ee Somaliland Oo Tabobar U Furay Qareennada Ka Hawlgala Togdheer