Waa Mataanaha Sharka

0

Erayga Doppel gänger waa arrin dunida laguwareeray, erayga oo ilaa hadda aan loo hayn tafsiir cilmi ah.
Waa isku ekaanshaha dad kala dal iyo duni ah, oo haddana isku muuqaal iyo dhaqan ah. Kelmadda Doppel gänger waa kelmad Jarmal ah oo ka kooban laba eray oo ah “Doppel” oo ah laba iyo “gänger” oo isku eeg.
Waxaana eray bixintan sameeyay aqoonyahankii jarmalka ahaa ee Chan Powl Waana erayo
dunida laga yaqaanay tan 1851. Wakhtiyadii hore waxa laba qof ee isku eeg ee aan waxba isku ahayn waxaana loo yaqaanay mataanihii sharka ahaa. Waxaana la aaminsanaa in labada qof marka ay is arkaan ay tahay wakhtiga ay dhimashadoodu soo dhowaato. Gabadha Taaj Lucas oo cilmiga Bayolagiga ku xeel dheer kana tirsan Jaamacadda Edilad ee Austerliya ayaa iyana sheegtay inay ku sameeyeen 4000 qof baadhis noocan, taasi ay muujinaysa muuqaalka wejiga ee dadku uu aad u kala duwan yahay, isla markaana ay dhif tahay inay isu eegaadaan dad aan isku qoys ahayan.

fariin noogu reeb