Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Qalabka Beerashada Casriga U Kala Dirtay Gobolada Barriga

0

Wasaarada horimarinta beeraha ee Somaliland  ayaa qalab beerasha casriga  u kala dirtay deegaana Buuhoodle , Sool , Sanaag iyo Saaxil , mashruucaasi oo  ay maal galisay haayada USID oo ay ugu magac dartay Geel.

Mashruucan ayaa ka kooban qalabka green house ee beerasha dedan iyo habka waraabka furan waxaana loogu talogalay in faaiidaystaan beera-layda Somaliland iyadoo lagu toobarayo 30 dhalinyaro ah isla markaana  shaqo abuur u noqon-toonta.

Munaasibadan qalabka loogu kala dirayo gobolada oo ka qabsoontay Berbera ayaa waxa ka hadlay isku duwaha  beeraha gobalka Saaxil Maxamed Jaamac Ibraahim iyo masuul ka socday USID iyagoo faahfaahiyey  sheegayna in uu waxtar badan u yeelan doono beeralayda Somaliland.

Ugu dambayntii waxa ha hadlay kana warbixiyey mashruucan agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse.

 

 

fariin noogu reeb