Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Siidhka Wadani Ah Gaadhsiisay 470 Beerayalada Gobolka Saanaag | best

0

Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Siidhka Wadani Ah Gaadhsiisay 470 Beerayalada Gobolka Saanaag

Hargeysa (Xogside)  – wasaarada  horumarinta beeraha somaliland ayaa gaadhsiiyey deeq siidhka wadaniga ah  beeralayda Gobolka Sanaag

wareejinta deeqdaas siidhka beeraha ah waxa hadalo ka jeediyay isu-duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Sannaag Maxamed Yuusuf Degel, waxaanuu masuuliyiinta wasaarada beeraha uga mahad celiyay siidhkaas wadaniga ah ee soo gaadhsiiyeen beeraleyda ku nool gobolka Sanaag, waxaanuu intaas ku daray in siidhkaasi ahaa mid ay u bahnaayeen beeraleyda gobolku.Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Siidhka Wadani Ah Gaadhsiisay 470 Beerayalada Gobolka Saanaag

Agaasimaha waaxda fidinta ee wasaaradda beeraha Somaliland Cali Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in siidhkaasi ka mid yahay siidh wasaaradda beeruhu ugu deeqday guud ahaan gobolada dalka, kaas kor loogu qaadaayo wax soo saarka beeraha ee dalka.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng: Axmed Cismaan Xasan ayaa sheegay in talaabadan ay wasaaradda beeruhu siidhka ku soo gaadhsiisay gobolka Sanaag ay tahay mid haboon,  oo kaalin ka qaadan doonta dhiiri gelinta beeraleyda guud ahaan gobolka Sannaag.Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Siidhka Wadani Ah Gaadhsiisay 470 Beerayalada Gobolka Saanaag

Ugu dambayn qaar ka mida beeraleyda siidhkaas loo qaybiyay ayaa wasaaradda beeraha uga mahadceliyay siidhkaas, waxaanay ballan qaadeen in ay sida ugu haboon uga faa’iidaysan doonaan.Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Siidhka Wadani Ah Gaadhsiisay 470 Beerayalada Gobolka Saanaag

Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Siidhka Wadani Ah Gaadhsiisay 470 Beerayalada Gobolka Saanaag

 

fariin noogu reeb