Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil oo Soo Gabogabaysay Tabobar Ku Saabsan Daryeelka Dhimirka

0

Berbera XOGSIDE – Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ee gobolka Saaxil ayaa hawl-wadeeno caafimaad u soo gabagabaysay tabobar ku saabsan daryeelka dadka la nool xanuunka dhimirka ama maskaxda.

waxa halkaas hadal ka jeediyay madaxa xannuunada dhimirka ee gobolka Saaxil Dr. Cabdilaahi Yuusuf Meheriye, oo sheegay in hawl-wadeenadaas la baray inay daawayn iyo daryeelba ay siin karaan dadka uu hayo xanuunada ku dhaca maskaxda.

Waxa kale oo uu Dr. Cabdilaahi Meheriye intaas ku daray in hawl-wadeenadaas oo tiradoodu ahayd 20 xubnood oo ka kala yimi degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Saaxil, kuwaas oo ah dufcadii labaad ee qaata tabobar noocan oo kale ah, iasgoo xusay in ay sii wadi doonaan tobobaradaas.

Geestoodana qaar ka mida hawl-wadeenadii caafimaad ee ka faa’iidaystay tabobarkaas ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka goWasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil oo Soo Gabogabaysay Tabobar Ku Saabsan Daryeelka Dhimirkabolka Saaxil ee tabobarkaas.

Ugu dambayn isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac ayaa sheegay u jeedada tabobarkan laga lahaa ay tahay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xirdadda hawl-wadeenada caafimaadka ee la xidhiidha daryeelka iyo daawaynta dadka maskaxda ka xannuusanaaya, waxaanuu xubnahaas tabobarka qaatay uu u soo jeediyay inay xirfaddii ay barteen ay kaga hawl-galaan goobaha caafimaad ee ay ka hawl-galaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil oo Soo Gabogabaysay Tabobar Ku Saabsan Daryeelka Dhimirka

fariin noogu reeb