Agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaarada caafimaadka Somaliland Mahdi Daahir Baahdoon ayaa maanta ka furay magaalada Hargaysa bilawga olalaha talaalka cudurka dabaysha taas oo lagu qabtay xarunta maxadka tababarka caafimaadka dawlada.
Munaasibadan oo ay kasoo qeyb galeen hayadaha wasaarada la shaqeeya iyo saraakiisha caafimaadka ee wasaarada ayaa waxa ugu horeyn ka hadashay agaasimaha maxadka tababarka caafimaadka oo ku dheeraatay muhiimada kulanka halka isu duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka maroodi jeex isaguna dhankiisa faah faahin ka bixiyay faa iidada ku jirta talaalka.
Gabgabadii agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Mahdi Daahir Bahdoon ayaa bulshada ugu baaqay in ay talaalkaasi caruurta siiyaan si ilaaliyo caafimaadka guud ee ubadkeena halka sidoo kale uu dadweynaha ka codsaday in ay soo dhaweeyaan shaqaalaha caafimaadka ee iyaga u adeegaya.