Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka warbixiyay tallaalada xanuunka dabaysha iyo Coronavirus oo dalka ka socda.
Agaasime xergeeye oo xog waran ku siiyay xafiiskiisa warbaahinta dawladda ayaa sheegay in labadan tallaal ay si isbar bar socda dalka uga socdaan. Ugu horreynna waxa uu farriin u diray waalidiinta inay carruurtooda ka yar shan jir ka tallaalaan cudurka dabaysha oo uu sheegay inuu aafo yahay, waxaana uu tilmaamay in wasaarad ahaan ay doonayaan inay xanuunkaasi ka suuliyaan dalka si aanu u naafayn carruurta yar yar oo uu sheegay inay yihiin bulsho soo socota, isagoo xusay in muddo dhaw ay doonayaan inay xanuunkaasi ka cidhib tiraan Somaliland oo aan meelna lagu arag.
Geesta kale, agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Jsl Dr Maxamed Cabdi Xergeeye waxa uu ugu baaqay bulshada inta aan qaadan wejiga labaad ee xanuunka Covid-19 inay qaataan, waxaana uu sheegay in wareegga labaad ee xanuunka Coronavirus la qaatay 80% isla markaana uu gebo gebo yahay, isagoo ku boorriyay dadka waaweyn ee waayeelka ah inay qaataan tallaalka xanuunka Covid-19 oo uu sheegay inuu weli jiro. Agaasimaha Xergeeye waxa uu intaas ku daray inta aan qaadan tallaalka Covid-19 inay afxidhaan isla markaana ay kala fogaadaan