Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Warbixisay Tartano Dhanka Orodka Ah Oo Wasaaradaasi Qabtay

0

uddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Maxamed Xasan Nageeye ayaa ka warbixiyay tartanka Orodada oo ay ka qaybgaleen Ciyaartooy metelaaya Talisyada ciidamada kala duwan.

Tartanka orodada oo bilaamay 28-kii bishan aynu ku jirno ayaa qaybtiisii kowaad la soo gebogabeeyay maalintii shalay sida uu sheegay guddoomiyuhu, waxaana lagu tartamayay orodka sadexda kun, kun iyo shanboqol, sideed boqol iyo afarboqol.

Kaalmaha orodada ee shalay la soo gebogabeeyay oo ahaa kaalmaha kun iyo shanboqol iyo sadexda kun, waxaa sadex kaalmood ku guulaytay Ciyaartooygii Ciidamadda Qaranka, Ciyaartoygii Booliska ayaa ku guulaystay iyana laba kaalmood halka Ciidanka Ilaalada Madaxatooyada Somaliland-na ay ku guulaysteen hal kaalin.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Maxamed Xasan Nageeye ayaa sheegay in maanta la soo gebogabayn doono kaalmaha Orodka ee sideeda boqol iyo afarta boqol, isaga oo intaasi ku daray in tartankan sanadkiiba laba jeer loo qabto talsiyada Ciidamada kaladuwan waxaanu sheegay in Orodada shanta kilo mitir ay dhawaan ka bilaabayaan gobolada dalka.

fariin noogu reeb