Wasaaradda Deegaanka Ee Gobolka Sool Oo Dib U Furtay Seeraha Dooxada Xudun

0

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Sool ayaa dib u furtay seeraha dooxada degmada Xudun oo muddo saddex bilood ah ay hore u xidhay, si loo manaafacaadsado xilliga abaarta.

Isu duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee gobolka Sool Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in u jeeddada ugu weyn ee ay u xidheen seerahaasi uu ahaa sidii dadka iyo xoolaha ku nool deegaankaasi ay ugu baxsan lahaayeen xilliyada ay biyo yaraanta iyo abaaruhu ay jiraan, waxaanu sheegay in arrintaasi ay ku timid heshiis bulsho oo ay isla garteen bulshada ku dhaqan deegaankaasi iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.

Maayir ku xigeenka degmadaasi Xudun Cabdinaasir Cabdilqaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in arrinta soo celinta seerayaasha ay ku ammaanantahay wasaaradda deegaanka, isagoo tilmaamay in deegaanku uu u baahanyahay in uu dib u soo kabto.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka degmada Xudun ayaa uga mahad’celiyay mas’uuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga dedaallada dib loogu soo celinayo baadkii dhulka oo ay tilmaameen inuu kaalin weyn ugu jiro bulshada xoolo dhaqatada ah.

fariin noogu reeb