Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo dawladda hoose ee degmada Xudun eee gobolka Sool ayaa hawlgallo ay si wada jir ah ay u qaadeen ku burburiyay goobo dhuxul lagu shidayay oo ku yaalla dhul daaqsimeedka Kal-xoor ee degmadaasi.
Hawlgalkan oo lagu baabiiyay hogog ay dhuxulaysatadu ka samaysatay deegaankaasi ayaa lagu soo qabtay laba nin oo ka mid ah dadkii halkaasi dhuxusha ka shidaayay. Ugu horreynna waxa halkaasi ka hadlay isu duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax oo sheegay inay baabiyeen dhuxul si sharci darro ah loogu gubayay deegaanka Kala-xoor ee degmada Xudun, wuxuuna sheegay inay mamcuuc ka tahay Somaliland in geed qoyan la jaro ama la gubo siday sheegayaan xeerarka deegaanka ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu, sidaa awgeed aanay marna ogolaanayn in dhirta qoyan ee dalka si gaar ah looga faa’ideysta ama looga ganacsado.
Isu duwuhu wuxuu intaas ku daray cidda ku kacda falkaasi sharci darrada ah inay mutaysan doonaan xadhig iyo ganaax lacageed oo adag.
Maayir ku xigeenka degmada Xudun Cabdinaasir Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Cabdiguure oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hawlgalkan ay ku soo baabiiyeen lix god oo kuwa dhuxusha laga shido ah oo si sharci darro ah looga samaystay deegaanka Kala-xoor oo ka tirsan degmada Xudun, waxaana uu sheegay in eedaysanayaasha lagu soo qabtay falk dambiyeedkan la horgayn doonto sharciga, isagoo ugu baaqay dadka kale ee ku hawlan inay jaraan dhirta qoyan ee dalka inay ka waantoobaan haddii kale ay la kulmayaan sharciga adag ee Somaliland uga yaalla deegaanka.
Gebogebadii taliye ku xigeenka booliska ee degmada Xudun Cabdi Cali (Caano wade) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay hore ugu digeen dhuxulaystada inaanay jarin dhirta qoyan ee dalka isla markaana aanay gubin sida uu sheegaayo xeerka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu. Waxaana uu sheegay inay ka waantoobi waayeen falkaasi sidaa awgeed ay ku guuleysteen inay soo qabqabtaan dadkii falkaasi ku lug lahaa sharcigana ay la tiigsan doonaan.
Tiliyuhu wuxuu intaas ku daray inay ku daba jiraan dad uu sheegay inay magacyadooda hayaan oo dambigan lagu gubay dhirta qoyan ee deegaanka Kala-xoor wax ka geystay