Wasaaradda Degaanka oo soo Qabatay Saddex xabo oo Harimacad ah | best 1

0

Wasaaradda Degaanka oo soo Qabatay Saddex xabo oo Harimacad ah

Wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga, Somaliland ee gobolka SARAAR ayaa maanta soo qabtay saddex habo oo Harimacad ah oo si sharcidaro ah la doonayay in dalka looga saaro.
Isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka SARAAR.
Mudane Mubaarig Ismaaciil Cismaan ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen 3 xabo oo Harimacad ah, balse ay Meesha ka baxsadeen ragi watay.Wasaaradda Degaanka oo soo Qabatay Saddex xabo oo Harimacad ah
Isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland  ee gobolka Saraar Mubaarig Ismaaciil Cismaan ayaa bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan dhoofinta iyo ka ganacsiga Ugaadha.Wasaaradda Degaanka oo soo Qabatay Saddex xabo oo Harimacad ah
Waxa aanu ogaanay qorshe lagu doonayay in lagu kala iibsado saddex xabbo oo Harimacad yar yar soo qabashadooduna waxa ay nagu qaadatay 2:00 duhurnimo ilaa 8:00 habeenimo.
ILLAAHEYna waa uu nagu guuleeyay in aanu gacanta ku soo dhigno.
Nimankii doonayay inay iibsadaana waa ay naga baxsadeen inkasta oo ay isku dayeen in ay na rasaaseeyaan, haddana ciidankii nala socday awgii ayay ku dhici waayeen.
Saddexdii xabo hadda gacantayada ayay ku jiraan, goobta loogu talo galay xannaaneyntooda iyo noloshooda ayaanu gaynayna.Wasaaradda Degaanka oo soo Qabatay Saddex xabo oo Harimacad ah
Bulshaweynta gobolka SARAAR waxa aanu ugu baaqayna inay ka waantoobaan, dabargoynta iyo ka ganacsiga duurjoogta qaybaheeda kala duwan.”

fariin noogu reeb