Wasaaradda Ganacsiga oo Tabobar U Qabatay Shirkadaha Mukhalisiinta ee Dekedda Berbera | BEST 1

0
Wasaaradda Ganacsiga oo Tabobar U Qabatay Shirkadaha Mukhalisiinta ee Dekedda Berbera

Berbera (Xogside)  – Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland ayaa tabobar u qabatay shirkadaha mukhalisiinta ee dekedda Berbera.

Waxaana ka qayb galay tabobarkaasi wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga, agaasime waaxeedyada wasaaradda, mas’uuliyiina wasaaraddaasi ee gobolka Saaxil iyo rugta ganacsiga ee Somaliland.Wasaaradda Ganacsiga oo Tabobar U Qabatay Shirkadaha Mukhalisiinta ee Dekedda Berbera

Isu duwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Gobolka Saaxil Siciid Jaamac Cilmi ayaa bogaadiyay wasaaradda ganacsiga tabobarka iyo wada tashiga ay la samaynayso shirkadaha mukhalisiinta ee ka shaqeeya dekedda Berbera, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay maamul wanaag iyo tallaabo loo qaaday dhanka horumarka.Wasaaradda Ganacsiga oo Tabobar U Qabatay Shirkadaha Mukhalisiinta ee Dekedda Berbera

Agaasimaha waaxda ganasiga iyo shuruucda oo iyaguna goobtaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in tabobarkan lagu baranayo xeernidaamiyaha liisan bixinta mukhalisiinta, kaasoo ay tilmaameen inuu faa’ido weyn u leeyahay shirkadaha ka shaqeeya dekedda caalamiga ee Berbera iyo wasaaradda ganacsiga ee Somaliland.Wasaaradda Ganacsiga oo Tabobar U Qabatay Shirkadaha Mukhalisiinta ee Dekedda Berbera

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Muuse Ibraahin Selef ayaa sheegay in tabobarkan iyo xeer nidaamiyaha lagu baran doonaabaa ay muhiimad weyn oo sarraysa ay u leeyihiin shirkadaha mukhalisiinta ee dekedda Berbera, isagoo ugu baaqay in laga faa’ideysto, isla mar ahaantaana lagu dhaqo xeer nidaamiyaha cusub ee liisanbixinta Mukhalisiinta.

Wasaaradda Ganacsiga oo Tabobar U Qabatay Shirkadaha Mukhalisiinta ee Dekedda Berbera

fariin noogu reeb