Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Goboladda Dalka U Kala Dirtay Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa | best 1

0

Wasiirka wasaarada Horumarinta Beeraha  Somaliland Md Maxamed Xaaji Cismaan ayaa goboladda Somaliland u kala diray shaqaalaha la dagaalanka Ayaxa,kuwaas oo soo sahamin doona Ayaxa.

Waxa ugu horeyn goobtii shaqaalahaas laga amba bixinaayey ka hadlay Agaasimaha Waaxda Badbaadada Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Suudaani,waxaanu tilmaamay in shaqaalahani ay ku hawlgeli doonaan toddoba gaadhi oo kuwa lagula dagaalamo Ayaxa ah, kuwaas oo tegi doona goboladda Somaliland,iyaga oo sahamin dhinaca Ayaxa ah ka samayn doona goobaha ay tegi doonaan.Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Goboladda Dalka U Kala Dirtay Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa

Waxa isna goobta ka hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md Maxamed Xaaji Cismaan oo sheegay in kooxaha la dagaalanka Ayaxu ay bishiiba hal mar sameeyaan Sahaminta Ayaxa,iyaga oo sahamintan ku mara goboladda Somaliland oo dhan,waxaanu ku booriyey shaqaalaha la dagaalanka Ayaxa in ay ilaaliyaan qalabka la dagaalanka Ayaxa.Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Goboladda Dalka U Kala Dirtay Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa

Dhanka kale Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md Maxamed Xaaji Cismaan ayaa soo xidhay tabobar muddo saddex cisho ah u socday Shaqaalaha hawlgalada la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland,waxaanu tabobarkani ku saabsanaa taxaderada loo baahan yahay in la qaato ,si loo yareeyo saamaynta iyo khataraha ka iman kara Hawlgalada la dagaalanka Ayaxa ee ay ku keenayaan deegaanka iyo waxyaalaha loo baahan yahay in laga feejignaado.Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Goboladda Dalka U Kala Dirtay Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Goboladda Dalka U Kala Dirtay Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa

fariin noogu reeb