Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool oo magaaalada Laascaanood ka daahfurtay ololaha tallaalka dabaysha

0

Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool ayaa magaalada Laascaanood ka daahfurtay ololaha tallaalka dabaysha.

Tallaalkaasi waxa uu socon doonaa muddo 4 cisho ah iyadoo la talaali doono caruurta shanta sano ka yar.

Waxaana kasoo qayb galay furitaanka ololaha tallaalka dabaysha Guddoomiyaha gobolka Sool, Meeyarka degmada Laascaanood Isu-duwaha Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool iyo shaqaalaha wasaaradda ee ka shaqayn doona tallaalka. Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo meeyarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa bulshada ku nool gobolka Sool usoo jeediyay inay ka faa’iideystaan mudada Ololaha tallaalku socdo oo ay carruurta ka talaalaan cudurka Dabaysha.

Isu-duwaha Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool  Maxamuud Xaaji Khaliif ayaa sheegay in xanuunka dabayshu uu halis ku yahay caruurta ka yar shanta sano waxaanu shaqaalaha wasaaradda ee Talaalka faray inay waajibaadkooda u gutaan sida ay tahay ee ugu wanaagsan.

fariin noogu reeb