Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yadda JSL ayaa dood cilmiyeed ku sahabsan Saameynta Moobiladu iyo isticmaalka Internet-ku ku yeeshaan caruurta ku qabatay magaalada Hargeysa.
Dood cilmiyeedkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yadda iyo xarunta dhaqanka Hargeysa waxa kasoo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yadda, Barre-yaal ka socday Jaamacadaha iyo haldoor iyo dhalinyaro.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yadda, Aaamina Xuseen ayaa sheegtay in khatar badan bulshada ku hayso Technology-yadda casriga ah ee Internnet-ka iyo Mobiladu taas oo hadda faraha kasii baxaysa taas awgeedna loo baahan yahay in bulshada laga wacyigeliyo halistaasi oo saameyn ku leh carruurta yaryar haday tahay dhanka caafimaadka, Maskaxda, Maalka iyo dhaqanka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yadda, Aaamina Xuseen ayaa intaasi ku dartay in loo baahan yahay in dhan kale oo wanaagsan looga gudbo dhibaatada Technology-yadda ee caruurta yaryar waxayna sheegay inay ka wasaarad ahaan ka go’an tahay inay arrintaasi wax ka qabtaan.