Hargeysa (xogside) – Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Somaliland ayaa soo qaban qaabisay kulan lagaga hadlaayo u adkaysiga xaaladaha adag ee mashaariicda ay fuliyaan hay’adaha Qaramada Midoobay
Kulan baahineedkan oo ku saabsanaa xogtii kasoo baxday warbixinnaha dabogalka iyo qiimaynta mashruuca u adkaysiga xaaladaha adag ee ay fuliyaan hayadaha FAO iyo WFP, ayaa waxa ugu horreyn ka hadla Cabdikariin Baar oo ka socday hay’adda FAO, oo sheegay in mashruucani uu soo socday muddo dheer, isla markaana uu ku saabsanaa mashruucani xaaladaha adag ee soo wajaha bulshada sida abaaraha iyo daadadka.
Waxaana uu intaas ku daray in hay’adahan ay awoodda saareen kormeerka iyo dabogalka mashruucaasi, kuwaasoo markasta qiimayn ku samaynayay halka uu marayo.
Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha shaqogelinta, arrimaah bulshada iyo Biyaha, Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan iyo Injineer Cabdiraxmaan Faarax Balal, ayaa iyaguna ku bogaadiyay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka dabogalka iyo qiimaynta ay ku sameeyaan mashaariicda ay dalka ka fuliyaan hay’adaha qaramada midoobay, kuwaasoo ay hore u samayn jireen isla hay’adahaasi, waxaana ay tilmaameen in hadda lagu kalsoonaan karo dabogalka iyo qiimaynta laga soo saaro mashaariicda laga fuliyo dalka, iyo saamaynta ay kaga tagaan bulshada ka faa’ideysanaysa.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Yaasiin Muxumed Xasan oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ku faraxsan yihiin inay qabtaan kulan ku saabsan warbixinnaha dabogalka iyo qiimaynta mashaariicda hay’adaha qarmada midoobay, oo uu sheegay in kormeer iyo qiimayn ballaadhan lagu sameeyay.