Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo Laba Bilood ku soo saaraysa Liiska Ururada aan Dawliga ahayn & Digniin ay u dirtay Urrurada aan is diiwaangelin

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa lagu sheegay in Wasaaradaasi laba bilood gudahood ay soo saari doonto liiska rasmiga ah ee Ururadda maxaliga ee aan dawliga ahayn, ee dalka ka hawlgalaya.

Warkan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) ayaa lagu sheegay in Urur kasta oo ay diiwaangelintiisa ugu danbaysay Sannadkii 2016-kii iyo wixii ka horeeyay aanu ahayn Urur Jira oo Sharci ah, Taas darteedna ay Wasaaradu ka saarayso Liiska iyadoo loo aqoonsanayo Urur baa’bay.

Waxaa kale oo Wasiirku ka dalbaday In urur kasta oo ay diwaan gelin ugu dambaysay wixii ka dambeeyey sanadkii 2017-kii uu haysto laga bilaabo 25/07/2021 ilaa 25/08/2021 in uu dib  isu diwaan geliyo.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Ururka aan dib isugu diwaan gelin mudadaas bisha ah ay Wasaaradda Qorshayntu u aqoonsanayso urur aan jirin isla markaana laga saarayo liiska Ururadda la aqoon sanyahay.

Gabo gabadii Warkan Qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta ayaa lagu sheegay in mudo laba bilood ah gudahood Wasaaraddu ku soo saari doonto liiska rasmiga ah ee Ururadda maxaliga ee aan dawliga ahayn,kaas oo sifo sharci ah ku shaqayn doona kana mid noqon doona Dalladaha aan dawliga ahayn.

218979622 4170427572994359 6057055480614271527 n

fariin noogu reeb