Wasiir ku xigeenka W. Warfaafinta oo furay kulan lagu dhammaystirayo qorshaha Wasaarada ee 2022 | best 1

0
Wasiir ku xigeenka W. Warfaafinta oo furay kulan lagu dhammaystirayo qorshaha Wasaarada ee 2022

Hargeysa (Xogside) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta JSL oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa furay kulan lagu dhammaystirayo qorshe sannadkeedka 2022-ka.Wasiir ku xigeenka W. Warfaafinta oo furay kulan lagu dhammaystirayo qorshaha Wasaarada ee 2022

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda qorshaynta iyo siyaasadaha ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Deeq Aw Cali oo sharaxay qorshahan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxaanu sheegay in uu ka dhalan doono isla xisaabtan.Wasiir ku xigeenka W. Warfaafinta oo furay kulan lagu dhammaystirayo qorshaha Wasaarada ee 2022

Sidoo kale, Agaasimaha waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maxamed Xasan Cali Waji ayaa sheegay in qorshuhu ka turjumayo sida loo hirgalinayo hawl qabadka taxanaha ah ee sannadka 2022-ka ee wasaaradda, kaasoo hirgalintiisuna tahay guul u soo hoyatay Wasaaradda iyo guud ahaan Qarankaba.Wasiir ku xigeenka W. Warfaafinta oo furay kulan lagu dhammaystirayo qorshaha Wasaarada ee 2022

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa faahfaahiyey mihiimadda qorshahani lee yahay, kaasoo uu tilmaamay in hirgelintiisu ay qaranka muhiim u tahay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in qorshahani ka turjumayo hawl qabadka sannadkan 2022-ka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, isagoo sheegay inuu sideedii u fulay qorshihii sannadkii hore ee 2021-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay inaanay waxba ka dhimayn hadal hayntaa ku badan Wasaaradda ee ay muujinayso in shaqadii qaranka ay u haysay sideedii loo qabtay.

Waxaanu farriin u diray cid kasta oo ka xun shaqada wanaagsan ee wasaaraddu Qaranka u hayso, oo uu tilmaamay inay tahay in aanay dhibin.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigalinta JSL, Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa ka hadlay mihiimadda qorshe sannadeedku u lee yahay hawlaha shaqo ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta. Waxaanu tilmaamay in fulinta bartilmaameed kasta ka turjumayo in laga dhabeeyey higsigii wasaaradda.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in fulinta qorshahaasi yahay waxa innoo hagaya dhinaca horumarka, isagoo tilmaamay dariiqii dheeraa ee dalka loo soo maray.

Ugu dambayn waxa qorshayaashooda tilmaamay soona bandhigay Agaasime waaxeedyada wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta.

Wasiir ku xigeenka W. Warfaafinta oo furay kulan lagu dhammaystirayo qorshaha Wasaarada ee 2022

fariin noogu reeb