Wasiir ku xigeenka wasaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Xasan Nuur (Taajir) ayaa maanta furay kulan ay isugu yimaadeen dhamaan agsimayaasha waaxyaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hayaddaha dawladda.
Kulankaas oo lagaga arrinsanayay diyaarinta hawlaha qorshaha saddexaad ee horumarinta qaranka JSL ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda qorshaynta qaranka, waxaana ugu horayn ka hadlay agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda qorshaynta Qaranka Xasan xuseen Axmed, oo sheegay in u jeeddada la isugu yeedhay agaasime waaxedyada qorshaynta ee wasaradaha iyo hay’adaha Dawladdu ay tahay inay la wadaagaan ka wasaarad ahaan halka ay marayaan hawlaha horumarinta qaranka ee qorshaha sadexaad iyo dariiqyada iyo tallabooyinka loo baahan yahay in la qaado
Waxa isaguna halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Axmed Yaasiin Muxumed Xasan, oo sheegay in ahmiyad weyn ay siinayaan sidii wasaarad ahaan qorshe horumarineed oo ka turjumaya baahiyaha dalka loo samayn lahaa, isagoo intaas raaciyay in kulankani uu qiimo weyn u leeyahay qaranka , maadama oo lagaga arrinsanayo arrimaha horumarinta qaranka.
Ugu dambayn, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Axmed Xasan Nuur (Taajir) oo goobtaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galaysa kulankan inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha shirka lagaga wada hadlayo, maadaama la diyaarinayo qorshaha shanta sanno ee soo socda ee horumarinta qaranka Somaliland.