Wasiir kuxigeenka wasaaradda Xanaananadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Marwo Wasiir Yurub Abiib Abdi ayaa saaka Xafiiskeeda ku qaabishay
Wafti ka socda Xafiiska Taiwan ee Somaliland.
Waxay ka wada hadleen sidii labada wadan loo sii xoojin lahaayeen iskaashiga iyo wada shaqeynta
In labada dal ay bilaabaan xidhiidh lagu xoojinayo Horumarinta Kalluumaysiga ee labada dal
In dawlada Taiwan diyaar u tahay inay kala shaqeyso dhinaca bada iyo Horumarinta Kalluumaysiga sidoo kale in laga wada shaqeeyo xoojinta shuruucda kalluunka iyo ilaalinta bada Somaliland.
Waxaa laysla qaatay in labada dal ba ay xoojiyaan ka shaqeynta Horumarinta Kalluumaysiga.
Xafiiska Saxaafada Wasaaradda Xanaananadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland