Hargaysa Xogside:- War-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr.Ciisa Kayd oo ay wehelinayso Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa socdaal shaqo oo qaatay lix maalmood waxaa ay ku tageen magaalooyinka Washington, DC iyo New York, halkaas oo ay kula kulmeen Madax-sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka, ururada u dooda Qaddiyadda Somaliland, khubaro iyo aqoonyahanno kale.
kulamadaas oo diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika. Weftiga ayaa warbixino ka siiyey maraaxilkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, iyagoo iftiimiyay baahida loo qabo sii xoojinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Maraykanka ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo guud ahaan xaaladda Geeska Afrika.

Magaalada Washington wafdigu waxa ay kaga qayb galeen shirar is-daba joog ah oo ay la yeesheen masuuliyiin ka kala socday Golaha Amniga Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka ee USAID, xubno iyo hawlwadeeno sare oo ka socday Guddida Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka iyo Congress ka.
Waftigu waxa kale oo ay warbixino siiyeen khubaro ka socday Atlantic Council, American Enterprise Institute, Jamestown Foundation, US Institute of Peace, Wilson Center, American University, National Endowment for Democracy, International Republican Institute iyo Freedom House, ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Sidoo kale waxa ay weftigu ka qeyb galeen kulamo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha Bariga Afrika, gaar ahaan koboca dhaqaalaha, nabadeynta, dawladnimada iyo dimoqraadiyadda. Waxa kale oo ay weftiga kulan warbixin ah la qaateen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka.
Ugu dambayn weftiga oo shaqadooda sii wata ayaa hadda ku sugan dalka
boqortooyada Ingriiska halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka iyo dawlada.