Wasiirka arrimaha gudaha oo Shir guddoomiyay kulan dhex maray hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda | best 1

0
Wasiirka arrimaha gudaha oo Shir guddoomiyay kulan dhex maray hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda

Hargeysa (Xogside)  – Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane, Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir’guddoomiyay kulan dhex maray hay’addaha caalamiga ah iyo hay’addaha dawladda ee ka wada shaqeeya mashruuca Rule of Law, kaasoo maanta la ansixiyay qabytiisii hore ee sannadkan 2022-ka.Wasiirka arrimaha gudaha oo Shir guddoomiyay kulan dhex maray hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda

Shirkan uu guddoominayey wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa waxaa ku wehelinayey oo muuqaalka fogaan aragga kaga qayb galay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, wasiirka cadaaladda ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, wasiirka wasaarada dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hay’adda xuquuqul-iinsaanka Qaranka.Wasiirka arrimaha gudaha oo Shir guddoomiyay kulan dhex maray hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda

Dhinaca kale, shirka waxa ka qayb galay hay’addaha caalamiga ah ee mashruucan qaybta ka ah, sida UNDP, UDOPC, UNSOM, UNWOMEN.Wasiirka arrimaha gudaha oo Shir guddoomiyay kulan dhex maray hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda

Waxa sidoo kale qayb ka ahaa dawladaha dhaqaalaha ku bixiya mashruucan Rule of Law, sida, EU iyo Sweden Funding.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Shir guddoomiyay kulan dhex maray hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa dawladda

fariin noogu reeb