Wasiirka Deegaanka Oo La Kulantay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Dalka
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare) oo uu weheliyo guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada ee Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa kulan la yeeshay ganacsato danaynaysa sidii ay dalka uga hirgelin lahaayeen bacaha burbura ee loo yaqaanno Baayo Dhigraydhabal Baagis.
Ganacsatadan ayaa isugu jirtay kuwo dalka ka sameeyay warshad dhammaad ku dhaw oo soo saari doonta mustaqbalka dhaw noocyada bacaha ee loo yaqaanno Baayo Dhigraydhabal Baagis, iyo qaar doonaya inay soo dejiyaan bacahaasi, maadaama dalka laga mamnuucay adeegsiga bacaha waxyeela deegaanka.
Muddadii kulankani socday wax lagaga wada hadlay xeerarka iyo habraacyada qaran iyo kuwa caalamiga ah ee ay tahay inay ku dabaqaan wax soo saarkooda ama waxyaabaha kale ee dalka dibaddiisa ay ka keenayaan, waxaana ugu dambayntii wasiirka deegaanka ee Somaliland ay nuqullo iyo warbixinno ku saabsan arrintaasi ay ku wareejisay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda sharciga ah.