Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Kulan La Yeelatay Haayadda UNEP

0

Wasiirka wasaaradda deegaanka somaliland ayaa maanta xafiiskeedda kulan kula yeelatay masuuliyiin ka socday haayadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha ilaalinta deegaanka.xafiiskeedda kulan kula yeelatay masuuliyiin ka socday haayadda jamciyadda quruumaha

Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland iyo xubno kaloo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda deegaanka Somaliland.
U jeedadda kulankaasi ayaa la xidhiidhay sidii ay wasaaradu xog uga siin lahayd masuuliyiinta ka socday haayadda UNEP (United Nations for Environmental Programme), oo qaabilsan arrimaha wax ka qabashadda dhibaatooyinka deegaanka haysta.
Waxaanay kulankaasi labadda dhinac kaga wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka kala duwan ee haleelay deegaanka Somaliland gaar ahaana xaalufka ba’an ee ka jira dalka.

United Nations for Environmental Programme

Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo laga soo saaray kulankaasi dhexmaray wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo masuuliyiinta ka socday haayadda UNEP, kaasoo lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda deegaanka Somaliland.

Warkaasi ayaan si buuxda faahfaahin loogaga bixin waxyaabihii ay sida aadka ah uga wada hadleen labadda dhinac, marka laga reebo in kulankaasi uu dhex maray wasiirka iyo masuuliyiinta haayadda UNEP.haayadda UNEP
Dhinaca kale haayadda UNEP ee qaramadda midoobay ayaa ka mid ah haayadaha ay wasaaradda deegaanka Somaliland sida dhaw uga wada shaqeeyaan arrmaha wax ka qabashadda deegaanka iyo dhibaatooyinka soo waajahay.
Waxaana jira mashaariic wax lagaga qabanayo bad-baadinta deegaanka gaar ahaana xaalufinta dhirta oo ay haayadda UNEP la waddo wasaaradda deegaanka Somaliland.

Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Kulan La Yeelatay Haayadda UNEP

fariin noogu reeb