Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalaamada rogadka Somaliland iyo xubno kale oo weheliya.
Kulankaasi ayaa laga hadlay sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba sanad kasta loogu qaban lahaa tartan iyadoo madashaasi ay kasoo qayb galeen xubno ka socday ururada Naafada.
Cabdiraxiin Sheekh Cali guddoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalaamada rogadka Somaliland ayaa sheegay inay muhiim tahay in tartano ciyaareed loo qabto dadka qaba baahiyaha gaarka ah maadaama oo ay maskaxda ka fiyow yihiin una baahan yihiin dhiiri galin iyo in lasoo bandhigo hibada ku jirta.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in siyaasadda xukuumaddu ay tahay in kor loo qaado ciyaaraha waxaanu guddoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalaamada rogadka uga mahad celiyay dadaalka tacabka uu galiyay dhanka ciyaarahaasi iyo sida uu bulshada u baray, waxaanu xusay in gobol kasta ay wasaaradda uga hawl galaan xubno kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaanu wasiirka ciyaaruhu soo dhaweeyay in tartano gaar ah loo qabto dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee reer Somaliland.