Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Tegay Tog-Wajaale | BEST 1

0

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tegnologyadda iyo badhasaabka gobolka Gabiley ayaa maanta kormeer ku tegay magaallo-ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

U jeedadda socdaalkan ay wasiirka Isgaadhsiinta iyo badhasaabka Gabiley ku tegeen Wajaale ayaa la xidhiidhay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen hawlaha addeegyadda ee xafiisyadda dawladda ee degmadaasi.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Tegay Tog-Wajaale

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Tegay Tog-Wajaale
Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta Somaliland C/weli Sheekh Suufi, iyo badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, waxay kulamo la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshadda Wajaale.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Tegay Tog-Wajaale
Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Jiidhe, oo bartiisa Facebook kaga hadlay kormeerkaasi, waxa uu yidhi, “Waxaanu saaka koormeer shaqo ku tagnay magaallo ganacsiyeedka Tog-wajaale, aniga iyo wasiirka Isgaadhsiinta iyo tegnologyadda wasiir C/weli.
Mamulka degmadda Tog-wajale iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa nagu soo dhaweeyay afaafka hore ee magaaladda, waanan uga mahad celinayaa”.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Tegay Tog-Wajaale
Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in ay kulan la qaateen maamulka degmadda Wajaale, isla markaana ay warbixino ka dhegaysteen hanaanka ay u wadaan hawlaha shaqo.

“Waxaanu warbixino kaga dhagaysanay maamulka degmadda Tog-Wajaale. Waxa kaloo aanu kulan la qaadanay bulshadda iyo wax garadka Tog-wajale. Wuxuuna safarkaasi ku soo dhamaaday guul” ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.
258537913 1063865284430666 4128799034604521887 n 1

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Tegay Tog-Wajaale

fariin noogu reeb