mashruuc 7milyan ku baxayo oo laga dhegax dhigay xeebta batalaale ee magaalada Berbera

0

mashruucan oo  lagu horumarinaayo xeebta Batalaale ee ku taal magaalada Berbera, waxaanuu isugu jiraa samaynta dhismeyaal casri ah oo xeebtaasi yeelan doonto, goobo gaadiidka la dhigo, goobo lagu nasto iyo nadiifinta xeebtaas.

Dhagax dhiga mashruucaas waxa hadal ka jeediyay masuuliyiin ka socday midawga ee mashruucan maal-gelinaayo oo uu horkacaayo u qaybsanaha midawga Yurub ee Somaliland iyo Somaaliya Nikloos Farlaanda, waxanay sheegeen in mashruucan oo ay ku baxayso todoba bilyan oo lacagta midawga Yurub ahi uu socon muddo ku dhaw sannad, loo hirgelin doono hannaan casri ah.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maayarka degmada Berbera Cadishakuur Maxamuud Xasan Cidin, waxaanay sheegeen in mashruucani noqon doono mid kaalin ka qaata horumarka ka socda guud ahaan gobolka Saaxil, siiba degmada Berbera, waxaanay xuseen in uu sidoo kale noqon doono mashruuc horumarin doona dalxiiska xeebta Batalaale.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa midawga Yurub uga mahad celiyay, mashruucan ay ka hirgelin doonaan xeebta Batalaale, waxaanuu wasiir Gaafaadhi sheegay Somaliland diyaar u tahay in dalkeeda ay ku soo dhawayso cidii ku samaynaysa maal-gashi caalami ah, isla markaana ka taageeraysa kaabeyaasha horumarinta oo dal-xiiskuna ka mid yahay.

fariin noogu reeb