Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Ingiriiska

0

London (Xogside) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa kulan la yeeshay maanta Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Ingiriiska

Munaasibaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay madaxda sare ee jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, mas’uuliyiinta saddexda xisbi qaran ee dalka Ingiriiska, wakiilka somaliland ee dalka Ingiriiska, xidhibaanno iyo marti Sharaf kale.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay safaaradda Somaliland ee dalkaaasi iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland sida xilkasnimada leh ee ay u abaabulayaan bulshada Somaliland ee dibadaha ku nool, iyagoo sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin, isla markaana ay waxkasta ku bixinayaan sidii ay u rumoobi lahayd qaddiyadda gooni isu taagga ee Somaliland.

Danjiraha Somaliland ee dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi ayaa isna dhankiisa tilmaamay inay tahay markii ugu horreysay ee ay sidanoo kale ay u soo dhaweynayaan madax ka socota Somaliland, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana uu sheegay in aanay marna ka daalayn sidii umadda Somaliland ay u gaadhi lahaayeen Ictiraaf buuxa oo ay ka helaan beesha caalamka.

La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh, xildhibaan Qaasim oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Somaliland iyo mas’uuliyiin ku hadlaayay afka saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa iyaguna dhankooda ka mahadnaqay cidkasta oo soo agaasintay munaasibaddan oo ay sheegeen in Somaliland oo dhami ay ku kulantay.

Waxaana ay intaas ku dareen in shacabka Somaliland uu yahay shacab adag oo aan kala qabysamin marna iyo xilli kasta, isla markaana doorasho kasta oo dalka ka qabsoonta kaddib ay dib u midoobaan, iyadoo aanay jririn ayay yidhaahdeen xanaf dheeraata oo bulshada Somaliland muddo dheer dhextaallaayi.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ee wada hadallada Soomaaliya Drs, Adan Aadan ayaa ku boorisay bulshada Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo guud ahaan dunida oo dhan, inay u midoobaan danta iyo wada jirka Somaliland, waxaana ay ku baaqday in Somaliland la wada illaashado isla markaana laga dhigto qofkastaa waxa uu ugu jecelyahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland DrCiise Keyd Maxamuud ayaa sheegay safarradii ugu dambeeyay ee ay ku gala bixinayeen Ameerika iyo Yurub inay kaga dhaadhicaneen bulshooyinka waddamdaasi sidii Somaliland ay u maalgashan lahaayeen ka hor intay aqoonsanayaan, waxaana uu xusay in meel fiican uu marayo dedaalkooda ah in maalgashi caalami ah ay u soo jiidaan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo La Kulmay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Ingiriiska

fariin noogu reeb