Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa shalay kulan xog-warraysi ah la yeeshay masuuliyiinta u sarraysa xafiiska Hay’adda UNSOM ku leedahay JSL.
Wasiirka oo xubnahaas ku soo dhaweeyey xafiiskiisa, waxa uu sheegay in ujeeddada kulanku daaran yahay in la iska xog-warraysto hawlaha hay’adda UNSOM qaranka u hayso ee dhinaca caddaaladda, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-habaynta xabsiyada.
Wasiir Saleeban waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Wasaaradda iyo hay’addu wada yeeshaan qorshe hawleed ay ku shaqeeyaan si hawlaha hay’adda ka caawinayso bahda caddaaladda u yeeshaan midho dhal raad wax ku ool leh ka taga,
Madaxa xafiiska Somaliland ee hay’adda UNSOM, Simon Strachan, ayaa soo dhaweeyey qorshaha wasiirku soo jeediyey, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay si bille ah u soo gudbiyaan qorshayashooda iyo waxyaabaha ay qabteen.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, ayaa isna tilmaamay in kulannada noocan ah ee is xog-warraysiga ah muhiim yihiin, loona baahan yahay in la joogteeyo.
Kulankaas waxa kale oo goob joog ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xabsiyada iyo Xuquuqda Aadamaha Ibrahim Khadar, La-taliyaha dhinaca dhaqan-celinta maxaabiista ee hay’adda UNSOM Alice iyo La-taliyaha dhanka Shuruucda ee hay’adda Mr. Nasru.