Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa tabo’bar u furay hablaha macallimiinta ah ee dhiga qur’aanka kariimka ah.
Tabobarkan oo ka furmay xarunta wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa waxa kasoo qayb’galay wasiirka wasaaraddaasi Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Aadam Cabdalla, waxaana ay sheegeen in tabobarkaasi kor loogu qaadayo aqoonta hablaha macallimiinta ah ee dhiga qur’aanka kariimka ah, iyagoo ugu baaqay inay ka faa’ideystaan macallimiinta dhigaya casharadda isla markaana ay xil iska saaraan ubadka soo koraaya oo ay sheegeen inay yihiin bulshada soo socota ee dalkani.
Gebo gebadii waxay tilmaameen in tabo’barkaasi ay ka faa’ideysanayaan 200 oo ah macallimiinta hablaha ah ee dhiga qur’aanka kariimka ah, waxaana ay ugu duceeyeen shaqada xasanaadka ah ee ay bulshada u hayaan inuu alle ku asturo.