Hargeysa (xogside) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa daahfuray barnaamijka bandhigga waxqabadka xukuumadda iyo la xisaabtanka bulshada.
Barnaamijkan oo lagu soo marti qaadi doono wasaaradaha iyo hayadaha dawladda ayaa lagu soo bandhigi doonaa waxqabadka xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo bandhigga furay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ka qayb qaadan doonaan sidii ay u baahin lahaayeen waxqabadka xukuumadda Somaliland, isagoo sheegay in si toos ah ay u bixi doonaan Idaacadda Raadiyaw Hargeysa iyo Tiifiiga Qaranka.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in barnaamijkani uu u sahli doono in muwaadiniintu ay toos su’aalo uga weydiin karaan madaxda sare ee dalka ee aanay gaadhi Karin, iyagoo adeegsanaya aaladaha la iska arko ee bani aadanku curiyay.
Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in dadweynuhu ay ka dhergi doonaan inay su’aalo weydiiyaan wasiirada iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dalka, isagoo tilmaamay in muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay inuu su’aalaha uu qabo uu weydiiyo madaxda uu soo doortay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ah afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in barnaamijkani uu socon doono maalinkasta oo Khamiis ah toddobaad kaste, waxaana uu ugu baaqay bulshada inay ka qayb qaataan barnaamijkaasi, una soo diyaar garoobaan.