Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan ayaa maanta furay kulanka talo bixinta xarunta barashada waddaniyadda iyo dastuurka.
Waxaana kasoo qayb galay kulankan aqoonyahanno iyo khubarro kala duwan oo aqoon u leh arrimaha waddaniyadda iyo dastuurtka oo ay ka mid yihiin Drs Adna Aadan Ismaaciil, Dr Bulxan, Dr Jaamac Muuse Jaamac, Axmed Siciid Cige iyo Marwo Nafiisa. Waxaana halkaasi ay ka jeediyeen mudantaasi talooyin wax ku ool ah oo khuseeya muhiimadda ay dalka u leedahay barashada wadaniyadda. Iyagoo ku dheeraaday sidii da’yarta kala duwan ee dalka loo bari lahaa dastuurka iyo wadaniyadda oo ay xuseen inay imikka noqotay jiritaanka ummadi ay leedahay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo madashaasi ka hadashay ayaa iyana u mahadcelisay khubarrada kulankan kasoo qayb gashay, waxaana ay tilmaantay wasaarad ahaan in qiime weyn ay siiyaan dastuurka iyo sidii bari lahaa dhallinyarta oo ay sheegtay inay yihiin bulshada soo socota ee dalkan.
Gebo gebadii wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan ayaa sheegay in wasaaraddu ay tiir weyn ugu jirto qaranka, oo ay baraan muwaadiniinta Somaliland dasduurkooda, isagoo xusay in idaacadda Radiyow Hargeysa ay kasii daayaan barnaamijyo ay ugu talo’galeen in cilmiga dasduurka ay dadka ku fahansiiyaan.