Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta oo ka hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku hambalyeeyey xukuumadda Somaliland iyo xisbiyadda Qarankaba doorashadda isku sidkan ee dalka ka dhici doonta 31 May.

Mr Caddaani ayaa xukuumadda Somaliland ugu hambalyeeyey sida ay ugu dedaashay in doorashooyinkaas isku sidkani ay dhacdo, isla markaana ay u bixisay dhaqaalihii doorashooyinkaas ku baxaayey.

Xisbiyadda Qaranka ee Somaliland ayuu Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid  usoo jeediyey in ay  doorashooyinka ka ilaaliyaan wixii Xanaf ah , madaama gacantooda maanta ku jirto arrin masiiri ah oo Somaliland sumcad u ah,isla markaana ay indhaha caalamku Somaliland kusoo jeedaan doorashooyinka 31 May ka dhici doona dalka.

Wasiir Cadaani ayaa doorashooyinka isku sidkan ee dhowaan dalka ka dhici doona ku tilmaamay kuwo jaangoynaaya mustaqbalka jiilasha soo socda ee reer Somaliland,waxaanu shacabka reer Somaliland usoo jeediyey in ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay doorashooyinkaasi si nabadgelyo ah ugu dhici lahaayeen 31 May.

fariin noogu reeb